Sheekh Maxamed Idiris oo ka mida culimada waaweyn ee Soomaalida ayaa ka hadlay xukunkii Madaxweynaha xilligiisa sii dhammaanayo ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo shan fursadood oo waaweyn oo uu ka fuliyey umadda intii uu talada joogay.
Sheekha ayaa si faahfaahsan uga hadlay taageeradii xoogga badneyd ee la sii yey Madaxweyne Farmaajo markii xilka loo doortay, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay inuu mar kale doonayo oo dagaal ugu jiro inuu dib u soo laabto.
Fursadaha waaweyn ee uu lumiyey Maxamed C/llaahi Farmaajo ayuu tiriyey, isagoo soo hadal qaaday arrimaha soo socda:
1- Inuu Farmaajo lumiyey Taageeradii ugu weyneyd ee shacabka oo aanu helin madaxweyne ka horeeyay, isagoo helay taageero shacbi ah oo ahayd doorasho aan rasmi ahayn.
2- Wuxuu lumiyey fursad inuu wax ka bdelo nidaamka siyaasadeed ee dalka iyo in doorasho guud dalka laga hirgeliyo.
2- Wuxuu Madaxweyne Farmaajo lumiyey inuu mideeyo umadda kala irdhowday oo magaalo kasta tago, dadkana la fariisto, si la isku saamaxo iyo inuu hirgeliyo dib u heshiisiin dhab ah.
3- wuxuu lumiyey fursad uu ku dhisi karay Ciidamo Qaran iyo sugidda amniga iyo ugu yaraan wax ka qabashada Amniga caasimadda.
3- Wuxuu lumiyey Fursad uu soomaalida ku abaabuli karay si gacan hoorsiga looga maarmo.
5- Wuxu Farmaajo lumiyey in laga faa’iideysto laba dowladood oo aad ugu dhowaa xukuumadiisa oo ah Qatar iyo Turkiga. Mid dhaqaale weyn heysa iyo mid sancad iyo ciidan heysa.

HOOS KA DAAWO