Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Featured»Shantii su’aal ee Madaxweyne Farmaajo diiday inuu ka jawaabo & Su’aashii ku adkaatay (Akhriso Qiimeyn)

    Shantii su’aal ee Madaxweyne Farmaajo diiday inuu ka jawaabo & Su’aashii ku adkaatay (Akhriso Qiimeyn)

    September 27, 2020Updated:September 29, 20202 Mins Read Featured
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay su’aalo ay dadka caadiga ah weydiiyeen intii uu xilka hayey ku dhowaad 4 sano, waxaana Madashaasi oo uu qabanqaabiyey Machadka RAAS, kana dhacday madaxtooyada ay u muuqatay mid dadka Goobta ku sugan la diyaariyey.

    Madaxweyne Farmaajo oo ka jawaabay su’aalo badan, halka su’aalo kale uu si ku-talogal ah uga booday, qaarna uu caddeeyay inuusan ka jawaabi karin, qaarna uu ka gaabsaday; Haddaba waxaan halkan kusoo bandhigeynaa su’aalaha ugu muhiimsanaa ee madaxweyne Farmaajo iska dhega mariyey iyo kuwii uu ka gaabsaday:

    1- Arrinta Qalbi-dhagax iyo ONLF: Wuxuu wiil dhalinyaro ah weydiiyey inuu diyaar u yahay Cudurdaar uu siiyo Qalbi-dhagax iyo in liiska argagixisada laga saaro ONLF, laakiin Madaxweynaha sooma hadal qaadin, xiriiriyuhuna wuxuuba ku dooday inaysan ka mid ahayd Mowduuca.

    2- Musuqmaaasuqa Doorashada ka dhici kara: Wiil kale ayaa weydiiyey Madaxweyne Farmaajo inuu damaad qaadayo in ragga wasiirada iyo xildhibaanadii hore ee kasoo jeeda Somaliland aysan awoodda iyo hantida dowladda u adeegsan inay dib ugu soo laabtaan kuraastooda?, su’aashaasina madaxweynaha waa ka booday si kutalogal ah.

    3- Metelaadda G/Banaadir ee Aqalka Sare: Waxay ahayd su’aal kale oo la weydiiyey Madaxweynaha halka ay ku danbeeyeen 13-kii xubnood ee Aqalka Sare laga siiyey Gobolka Banaadir, Jawaabtii Madaxweynaha waxay noqotay in la weydiiyo Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka.

    4- Sool iyo Sanaag. Gabar ayaa Madaxweynaha weydiisay qaabka loo dooranayo xildhibaannada Federaalka ee kaso jeeda Gobollada Sool iyo Sanaag, iyo sababta magaalada Muqdisho loogu dooran waayey?, Jawaabta madaxweynaha waxay noqotay: “Su’aashaadu waa adagtahay kama jawaabi karo.. raali ahow”

    5- Su’aal kale dad badan ogyihiin balse la weydiiyey waxay ahayd ee Inuu mar kaleMusharax yahay? , wuxuuna ka gaabsadya inuu is caddeeyo, isagoo yiri:”Waqtigeeda ayaan ka jawaabayaa”

    6- Faragelinta Kenya: – Madaxweynaha wuxuu ka gaabsay ama si kulatalogal ah uga booday su’aalo kale oo ay ugu weyn tahay faragelinta ay Kenya ku heysto Gobolka Gedo, waxaa kaloo uu ka meermeeray dagaalka Alshabaab ee uu sheegay inuu 2 sano kusoo af-jarayo iyo in mas’uuliyiinta kasoo jeeda Somaliland laga talogleiyey heshiiskii Doorashada.

    Qabanqaabiyeyaasha madashaan oo looga dan lahaa in madaxweynaha olole loogu sameeyo ayaa bannaanka soo dhigtay sababihii mudadda dheer looga hortaagnaa inuu si toos ah saxaafadda u hor yimaado, waxayna qiimeynteenu noqotay in bandhiggaasi saameynta uu yeeshay ay ka qaasaare badan tahay faa’iidadiisa, waxaana kulankaasi oo dhan isku fuuqsatay su’aashii Sool iyo Sanaag oo si weyn loogu hadal hayo Baraha bulshada saameyn xunna ku yeela doonta musharnimadiisa.

    Doodii Farmaajo Madaxweyne Farmaajo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada Kenya oo Dad kale oo shacab ah ka afduubtay Tuulo ka tirsan Gobolka Gedo
    Next Article Ra’iisal wasaare Rooble oo xafiiska kala wareegay Ra’iisal wasaare ku xigeenkii xilka sii hayey (Sawirro)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo