Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha caasimadda Soomaaliya ee Aadan Cadde ayaa shaqo joojin ku dhaqaaqeen.
Shaqaalaha Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ka cabanaya mushaar la’aan muddo saddex bilood ah aanay helin, waxaana la ogyahay in garoonka Diyaaradaha ay mamausho Shirkadda Turkiga ee Favori.
Xaaladda Garoonka ayaa cakiran saaka, iyadoo shaqaalaha oo maalmihii ugu danbeeyay arrintan qorsheynayay ay saaka u suuragashay inay qaadaan tallaabo ku cusub shaqaalaha Soomaaliya.
Waxaa la arkayay dad rakaab ah oo dhooban bannaanka garoonka iyo shaqadii oo hakatay, waxaana shaqaalaha oo garoonka tegay ay isugu tageen goob bannaanka garoonka ah. Dadaal ay wadaan mas’uuliyiinta Waaxda Socdaalka ayaa socda si loo xaliyo arrintan.
Shaqaalaha dowladda Soomaaliya ayay caado u tahay inay 3 ilaa 4 bilood dib uga soo dhaco mushaarka, iyadoo mararka qaarkoodna bil iyo laba ay sidaasi ku dhaafto, laakiin tallaabadan waxay noqoneysaa mid cusub oo shaqaalaha ay xuquuqdooda ugu doodayaan.
Wadani.com