Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in shaqaalaha ka howlgala safaaradda Imaaraadka ee magaalada Muqdisho loo diiday mushaarkoodii isla markaana awood loo adeegsaday oo laga xirtay safaaradda.
Qaar ka mida shaqaalaha ayaa warbaahinta u sheegay in markii hore loo diiday inay shaqo tagaan, kadibna markii ay doonteen mushaarkoodii loo adeegsaday ciidamada ilaalada safaaradda oo qoryo ku handaday.
Shaqaalaha safaaradda oo boqolaal ah ayaa hadda shaqo la’aan ah, iyadoo ay ka maqan tahay xuquuqdoodii mushaarka ee ay ku lahaayeen Safaaradda, waxayna qaarkood ka cabanayaan in si xun loola dhaqmay.
Dowladda Imaaraadka ayaa u yeeratay safiirkeedii Soomaaliya Maxamed Alcushmani, waxaana la sheegay inaysan wax shaqo ah ka soconin safaaradda kadib shalay oo ku beegneyd 4-March 2017.
Wadani.com