Wararka laga helayo Gobolka Bay ayaa sheegay in Dabley hubeysan ay shaqaale ka tirsan Hay’adda Bisha Cas ee Soomaaliya ay gelinkii dambe ee maanta ka afduubteen inta u dhaxeysa magaalada Baydhabo iyo degaanka Awdiinle ee Gobolka Baay.
Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Nuuradiin Abuukar Gacma, ayaa sheegay afduubkan ay ku tuhsan yihiin dagaalyahanada Ururka Al Shabaab, iyadoo shaqaalaha Bisha Cas ee la afduubtay ay wateen gaari NOAH ah, ayna gaarayaan ilaa Shan qof oo Saddex ka mid ah ay yihiin Dumar, halka labada kalena ay yihiin Rag, wuxuuna afduubkooda si gaar ah uga dhacay Tuulada Busleey oo dhawr iyo 20-KM ujirta magaalada Baydhabo.
Shaqaalaha Bisha Cas ee la afduubtay ayaa ku sii jeeday degaanka Awdiinle oo qiyaastii 30-KM ujira magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay ugu socdeen hawlo shaqo, sida ay sheegeen masuuliyiinta Koonfur Galbeed.