Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in shaqaale ka tirsan kuwa ku howlan dhismaha Derbiga ay dowladda Kenya ka dhiseyso Xuduudka Soomaaliya lagu dilay qarax lala beegsaday.
Saraakiil ka tirsan maamulka Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in Qarax Miino loo dhigay ka dhashay lagu dilay saddex qof oo ka mid ahaa shaqaalaha ku howlan dhisida Debiga ay Kenya ka dhiseyso Xuduudka Soomaalyia.
Gudoomiyaha ku xigeenka Amniga ee Bariga Mandera Paul Kemei ayaa sheegay in qaraxan oo dhacay abaara 10-ka Barqanimo ee maanta oo Isniin ah lala beegsaday shaqaale ku howlanaa hagaajinta wadooyinka.
Xubnahan ayaa ku sii socday howlahooda shaqo waxaana gaariga ay wateen lala beegsaday qarax sida uu sheegay sarkaalkan taasi oo keentay in saddex ruux ay ku geeriyoodaan.
Wararka ayaa sheegay in qarax uu dhaliyay dhaawac soo gaaray shaqaale iyadoo la dhigay isbitaalka magaalada Mandera sida uu sheegay Mr Kemei. Sarkaalkan ayaa ku eedeeyay in qaraxan ay ka danbeeyeen dagaalyahano ka tirsan ururka Al shabaab.