Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan Ayaa dib ugu laabtay Magaalada Baydhaba isagoo ka tegay shirkii Madasha ee Muqdisho.
Shariif Xasan ayaa ka mida madaxweynayaasha maamulada ee ka tegay shirka Madasha kadib markii la isku mari waayay waxaana maanta lagu soo dhoweeyay magaalada Baydhaba.
Wararka ayaa sheegaya in madaxa Madasha ay isku afgarteen in Aqalka sare lagu celiyo qeybtii hore ee 54 xubnood ahayd.
Kulamo uu la qaatay Shariif Xasan xubnaha maamulkiisa ayuu u sharxay xaalada shirkii madasha ee Muqdisho.
Wadani.com