Muqdisho (Wadani Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa eedeyn u jeediyay dowladda federaalka iyo guddiga qaran ee loo xilsaaray arrimaha doorashooyinka dalka.
Xildhibaan Sheekh Shariif ayaa nasiib darro ku tilmaamay hab-dhaqan ay isaga horkeeneyso shacabka deggan caasimada., isagoo sheegay in meesha laga saaray degmooyin ku yaalla Muqdisho, sida Kaxda isla-markaana lagu tuntay xaquuqdii ay lahaayeen, maadaama ay yihiin canshuur bixiyeyaal.
“Waxaa nasiib darro ah hab-dhaqanka madaxda dowladda Federaalka ah ee lagu kala soocayo bulshada caasimadda islamarkaana laga isaga horkeenayo iyadoo qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho meesha laga saarayo sida Degmada Kaxda oo ay dadkeedu ka mid yihiin canshuur bixiyaasha dowladda” ayuu yiri madaxweynihii hore.
Sidoo kale wuxuu cambaareeyay in awood loo adeegsado shacabka Kaxda ee kasoo horjeedo diiwaan-gelinta ka socota degmadaas, xilli la hoos geeyay degmada Dharkenley.
“Waxaan sidoo kale cambaaraynayaa in shacabka Degmada Kaxda oo la ogyahay in loo diidanyahay xaquuqdooda degmanimo, haddana loogu daray cadaadis bulsho iyo in la rabo in qori caarradiis loogu qasbo isdiiwaangalin hubeysan iyo geedi-socod doorasho oo hal dhinac ah” ayuu yiri Sheekh Shariif oo ka hadlayay xaaladda ka taagan degmada Kaxda.