Muqdisho (Wadani Online) – Madaxweynihii hore ahna Xildhibaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kulamo xasaasi ah ka wada magaalada Muqdisho, isagoo la kulmaya wakiilada beesha caalamka ee saameynta ku leh Soomaaliya.
Wuxuu Shariif isla shalay la kulmay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho Danjire Alper Aktas iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, isagoo kala hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan khilaafka siyaasadeed ee taagan.
“Waxaan maanta Magaalada Muqdisho kulan kuwada yeelanay safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan dalkeenna Soomaaliya Danjire Alper Aktas,” ayuu yiri Shariif oo qoraal kasoo saaray kulanka.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray taageerada dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, arrimaha doorashooyinka ee lagu muransan yahay iyo la-dagaalanka kooxaha argaggixisadda ah.
“Waxaan uga mahadcelinayaa dowlada turkiga taageeradeeda hagar la’aanta ah oo ay mar walba dalkeenna la garab taagantahay,” ayuu Shariifka ku yiri qoraalka uu soo saaray.
Kulankan ayaa imanaya xilli ay magaalada Muqdisho isugu yimaadeen dhammaan mucaaradkii dowladda, kuwaas oo ka soo horjeeda doorashada ay qabaneyso madaxda hadda talada heysa.