Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in loo baahan yahay dib u eegis lagu sameeyo dagaalka lagula jiro Alsahbaab.
Isagoo ka hdlayay shirka madaxda dowladda federaalka iyo Maamul goboleedyada ee Muqdisho ayuu sheegya in Al-shabaab ay dhibaato ku hayaan dadka Koofur Galbeed oo u badan Beeraley, ayna tacban waayeen beerahoodii.
“Muqdisho iyo Baydhaba looma socon karo, Dowladda iyo maamullada hawada ayay maamulaan, Alshabaabna dhulka ayay joogaan.. ayuu yiri Shariif Xasan oo soo jeediyay in dowladda iyo maamullada ay iska kaashadaan dagaalka Alshabaab.
DHAGEYSO