Itoobiya, IGAD iyo dowladda Soomaaliya ayaa cadaadis ku haya madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo laga doonayo inuu ka qeyb galo xafladda caleemo saarka madaxweynaha Jubba Axmed Maxamed Islaan oo lagu wado inay 12-ka bishan ka dhacdo magaalada Kismaayo.
Shariif Xasan oo khilaaf ba’an kala dhaxeeyay maamulka Axmed Madoobe kuna saabsan qaabka awood qeybsiga Jubbaland ayaa dowladda federaalka ku qancineysaa inuu qaato tirada ugu badan 20 xildhibaan oo lagu darayo baarlamaanka Jubba, kuna qanciyo beelaha Digil iyo Mirifle oo ka mida kuwa ugu waaweyn ee qaadacsan maamulka Axmed Madoobe.
Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in Shariif Xasan ay ku adag tahay arrintan oo haddii uu aqbalo gadood weyn laga cabsi qabo inay kala hor yimaadaan xildhibaanada iyo odayaasha beelaha Koonfur Galbeed kasoo jeeda ee hore looga fujiyay fikradii ahayd lixda gobol.
Lama oga go’aanka uu qaadan doono madaxweynaha Koonfur Galbeed, laakiin wuxuu hadda ku dhex jiraa xaalad adag oo gudaha iyo dibadda ah.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]