Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la sheegay inuu heshiisyo kala gaara kula jiro laba musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha.
Shariifka oo hore u sameeyay isbaheysi xildhibaano olole u galay in Guddoomiye baarlamaan loo doorto C/rashiid Xiddig ayaa kadib markii qorshahaasi fashilmay wuxuu kulamo kala gaara la yeeshay labada muharax ee kala ah: Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cumar C/rashiid.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in Shariif Xasan uu waanwaan isbaheysi ah la meel dhigay madaxweynaha doonaya in dib loo doorto ee Xasan Sheekh, taasoo salka ku heysa qeybsiga awoodda dowladda cusub, inkastoo la sheegay inaan weli heshiis rasmi ah la gaarin.
Dhinaca kale Shariif Xasan ayaa wadahadal kale kula jira Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo ka mida musharixiinta xilka Madaxweynaha, waxaana kulan dhex maray labada nin kadib doorashadii Guddoonka Baarlamaanka ayay isla soo qaadeen isbaheysi doorasho oo ka dhan ah Xasan Sheekh.
Shariif Xasan ayaa ilaa hadda gaarin go’aankii uu ku taageeri lahaa mid ka mida musharixiinta xilka madaxweynaha, iyadoo la filayo in xilliyada ugu danbeeya ee doorashada uu go’aan qaato.
Wadani.com