Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif xasna Sheekh Aadan maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhaba oo muddo uu ka maqnaa.
Dadweyne iyo mas’uuliyiin ayaa ka qeyb galay soo dhoweyn loogu sameeyay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo, isagoo halkaas kula hadlay saxaafadda, wuxuuna sheegay inuu kasoo laabtay safar shaqo.
Shariif Xasan ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu la shaqeyn doonto dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana khilaafka ka dhexjira Madaxda maamul goboleedyadda iyo dowladda Dhexe la xalin doono.