Madaxweynaha shalay lagu doortay shirkii maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la filayaa inuu ka qeybgalo shirka hiigsiga cusub ee Soomaaliya looga hadlayo ee ka furmay magaalada Copenhegan ee dalka Denmark, shirkaas oo ay ka qeyb galayaan madaxda maamulada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shariif Xasan oo shalay uun loo dooray xilkaasi oo muran badan ka taagan yahay ayaa ka mida taageerayaasha madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isbaheysi siyaasadeed ay wadaagaan, waxaana dhinaca kale kasoo horjeeda Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal wasaaraha.
Shirka horumarinta Soomaaliya ee hiigsiga cusub, waxaa kaloo ka qeyb galaya Maamulka Jubba, Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh. Wasiirka Arrimaha Gudaha C/laahi Goodax Barre ayaa sheegay inay xukuumadda Soomaaliya aqoonsatay doorashada Shariif Xasan, wuxuuna hamblayo u diray maamula cusub, inkastoo aan la ogeyn sida uu ugu hadli karo afka xukuumad uu kula taliyay ra’iisal wasaaraheeda inuu is casilo.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]