Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa beeniyay inuu ka tanaasulay Musharaxnimadiisa Madaxweynaha Soomaaliya.
Afhayeenka xafiiska madaxtooyada Shariif Xasan oo lagu magacaabo Cabdulaahi Sheekh Xasan ahna wasiirka Ganacsiga Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in been abuur yihiin wararka la faadiyay ee ku saabsan inuu Shariif Xasan u tanaasulay madaxweyne Xasan Sheekh.
Kooxda ololaha Shariif Xasan ee magaalada Muqdisho ayaa sii wada ololaha Doorashada, waxayna wararka laga faafiyay Shariifka ku sheegeen kuwo dacaayad ah.
Socdaalkii qaar ka mida madaxda maamulada Soomaaliya ku tageen dalka Itoobiya ayaa la sheegay in madaxda Itoobiya ay Shariif Xasan ka dalbadeen inuu ka tanaasulo ololaha xilka madaxweynaha.
Wadani.com