Guddoomiyaha Gobolka Benaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa shaqada ka joojiyey mid ka mida shaqaalaha Gobolka oo ku lug lahaa bixinta Shatiyada Ganacsiga ee been abuurka ah.
Arrintan ayaa ka dambeysan kadib markii laga war helay shatiyo suuq madow lagu sameeyo oo magaca maamulka Gobolka Banadir iyo astaamihiisa leh, kuwaasoo xarumaha ganacsiga G/banaadir la siiyo.
“Waxaan xusuusinayaa ganacsatada Gobolka in ay hubiyaan sharciyada ganacsi ee ay heystaan, sababtoo ah shatiyada been abuurka ah waa dambi weyn qofkii lagu qabtana uu ku muteysanayo ciqaab iyo ganaax aad u adag..” ayuu yiri Guddoomiye Yariisow oo sheegay in in sharciga la hor geyn doono qof kasta oo ku lug yeesha sameynta dokumiintiyada ganacsi ee been abuurka ah.
Ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar iyo qeybta Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka in ay soo xiraan xarumaha ganacsi ee lagu howl geliyey shatiyada been abuurka ah, iyadoo uu ku amray in ay la socdaan xarumahaas. Sidoo kale Madbacadii sameysey tiimbaraha been abuurka ah iyadana waxaa laga hakiyey shaqada inta baaristu ku socoto.
Eng. Yarisow ayaa ugu baaqay ganacsatada aan heysan shatiyada in ay si degdeg u sameystaan, maadama Maamulka Gobolku ay si adag uga hortagi doonaan goobaha ganacsi ee sida sharci darrada ah loo furtay.