Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa digniin u diray xildhibaannada ka maqan fadhiyada Golaha Shacabka oo uu sheegay in hadda kadib lala xisaabtami doono.
Isagoo ka hadlayey kulankii maanta ee Golaha shacabka oo u baaqday kooram la’aan ayuu Sheekh Aadan Madoobe sheegay in xeer hoosaaska loo adeegsan doono xildhibaannada iska maqan cudurdaar la’aan, talagana qaadi doono tallaabo anshax ah.
“Sidaan haddii uu kusii socdo Baarlamaanka ma shaqeyn karno.. xildhibaannada waxaan u sheegayaa inay ka waatoobaan inay ka maqnaadaan shaqada, ma aha sharciga lagu ciyaaro, farriintii ugu danbeysay ayaa isu direynaa” ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe.
Kulanka maanta ayaa lagu waday in lagu qeybiyo, lana akhriyo Sharciga Hay’adda Sirdoonta ee NISA oo Khamiistii ay ansixiyeen Golaha Wasiirada, kaasoo si degdega la doonayo in loo mariyo Golaha, balse xildhibaanno badan ay ka caga jiidayaan.
Golaha shacabka aya waxaa horyaalla 21 Hindise sharciyeed oo xukuumaddu u soo gudbisay, waxaan jira sharciyo muhiim ah iyo kuwo halis ah o u baahan in si weyn looga doodo, balse xukuumaddu ay dooneyso in la dedejiyo.
