Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka oo xilligan ah ku-simaha Sheekh Aadan Madoobe ayaa galabta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Maamulka K/Galbeed.
Waxaa Garoonka Baydhaba kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Xubno ka tirsan Labada Golle ee Dowlada, Maamulka Gobolka Baay, kan Degmada Baydhabo, Saraakisha Laamaha Amniga iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa sido kale soo dhoweynta qeyb ka ahaa.
Sheekh Aadnan Madoobe ayaa kasoo duulay magaalada Xudur ee Gobolka Bakool oo maalmihii ugu danbeeyay uu ku sugnaa, waxaana lagu wadaa inuu wadahadal xasaasi ah la yeesho Madaxweyne Lafta-gareen.
Aadan Madoobe ayaa wada dadaal uu doonayo shir dib u heshiisiin ah oo magaalada Baydhaba loogu qabto Madaxweynaha K/Galbeed iyo Siyaasiyiinta ku kacsan, taasoo khilaaf badan ka taagan yahay.
