Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u sharaxan yahay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay goor dhoweyd magaalada Muqdisho ayuu ka sheegay inuu u taagan tahay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka oo uu dhowaan iska casilay Maxamed Sheekh Cismaan (Jawari).
Sheekh Aadan Madoobe ayaa hore u soo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo sanadkii 2007 lagu doortay magaalada Baydhabo lagu doortay, kadib xil ka qaadistii Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Musharixiinta xilka guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka badan 10, inkastoo ay yar yihiin inta sida rasmiga ah isu soo sharaxday.