Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya.
Wareegii labaad ayuu Sheekh Adan Madoobe helay codadkii ugu badnaa, kadib tartan adag oo uu la galay Musharax Xasan Cabdi Nuur oo taageero ka heystay Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen iyo kooxda Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa helay 163 cod, halka Musharax Xasan Cabdi Nuur uu ka helay 89 cod, waxaana si rasmi ah loogu dhawaaqayaa inuu Sheekh Aadan Madoobe ku guuuleystay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka.
Sheekh Aadan Madoobe oo ka mid ahaa xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ayaa hore guddoomiye Baarlamaan uga soo noqday Baarlamaanka dowladii KMG ahayd ee Sooomaaliya, wuxuuna ka mid ahaa musharixiinta mucaaradka ee isbedel doonka ah.
Guddoomiyihii hore Maxamed Mursal iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa hambalyo hordhac ah u sii diray Sheekh Aadan Madoobe, halka xaafadaha Muqdisho qaarkood laga maqlayo rasaas loogu dabaal degayo guusha Sheekh Aadan Madoobe iyo Mucaaradka.
