Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa mar kale dib ugu soo laabtay Baaralmaanka Soomaaliya.
Doorasho ka dhacday magaalada Baydhaba maanta ayaa kursiga beesha Haddamo gaar ahaan jufada Shirmooge waxaa ku loolamay, Sheekh Aaden Maxamed Nuur oo helay 49 cod iyo Fadumo Maxamed Axmed oo ahayd musharax uu watay Sheekha, iyadoo ka tanaasushay intii aan doorashada la gelin.

Sheekh Aadan Madoobe oo mar guddoomiye u noqday Baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya ayaa ku soo baxday qorshe xirfadeysan oo musharaxiin fara badan ku soo baxeen kaasoo ah in qofka kula loolamaya lasoo qorto, lagana bixiyo kharashka, kadibna uu tanaasulo doorashada ka hor.
Wadani.com