Sheekh Maxamed Kulmiye Axmed oo ka mida culimada waaweyn ee Soomaalida ayaa isgoo ku sugan dalka Ingiriiska sheegay in dhul degaan ah oo uu leeyahay uu ka boobayo Taliyaha ciidamada Milateriga Jen. Odowaa Yuusuf Raage.
Sheekha ayaa sheegay in dhulkooda oo ku dhow saldhigga Turksom ee degmada Wadajir, magaalada Muqdisho uu taliyaha ciidamada Milatariga amray in la burburiyo, wuxuuna ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya inay soo farageliyaan arrintan.
“Waxaan ka cabanayaa boob dhul oo ay igu hayaan ciidamada milateriga, gaar ahaan taliyaha ciidamada dowladda Jen. Odowaa Yuusuf Raage, wax badan ayaan la aamusnaa, waxaan cabashadeyda gaarsiiyey dhammaan madaxda, mana jiraan wax la ii qabtay, ama isbedel ku yimid Jeneraalka.. Maxkamadda ciidamada ayaa amartay in dhulkeyga la ii madax banneeyo” ayuu yiri Sheekh Maxamed Kulmiye.
Qoraalka Maxkamadda kadib ayuu sheegay in Cagaf la geliyey guryahoodii, lana burburiyey, iyagoo dhulkaasi u heystaan sharci la siiyey dowladii Siyaad Barre xiligii uu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahaa Cali Ugaas Cabdulle, ka horna ay deganaayeen.
Sheekh Maxamed Kulmiye wuxuu sheegay in dhulkan uu sharci yahay ayna muddo dheer deganaayeen, isla markaana aan la aqbali karin in awood loo sheegto oo dadka masaakiinta ah laga barakiciyo.
