Afhayeenka Al shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa sheegay in u jeedkooda weerarkii is-miidaaminta ahaa ee lagu qaaday madaxtooyada Soomaaliya uu ahaa inay ka takhalusaan dadkii ka qeybgalayay shirkii wadatasiga Soomaaliya ee isla maalintii qaraxa dhacay la soo gabagabeeyay.
Wuxuu sheegay in qarax lagu dilay 30 ruux oo uu ku tilmaayay inay ka mid ahaayeen dadkii caddowga ahaa ee la bartilmaameedku ahaa . Afhayeenka Alshabaab wuxuu sheegay inuu hadafkoodu ahaa Madaxda maamul goboleedyada dalka oo halkas ku lahaa shirar lagu doonayo in lagu dumiyo shareecada islaamka.
Afayeenka Alshabaab ayaa intaas ku daray in Nikolas Kay kaliya maahee bartilmaameedkoodu ahaa shirkasi iyo intii ku sugneyd. Xogta Alshabaab heysana ay tahay in 30 in ka badan ku dhinteen, dhaawacuna boqol ku dhow yahay.
“Lama kala reebeynin waxa meesha ku jiray oo dhan ayaan qarxinay ha noqdo Nickolas Kay ama cid kastoo ku howlan baabi’inta diinta..” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo sidoo kale sheegtay inay ka dambeyeen qarax ka dhacay magaalada Mandheera ee Waqooyi Bari Kenya.
Wadani.com
[ad name=”HTML-7″]