Kulan lagu raageeray dib u dhiska Dowlad Gobaleedka Galmudug iyo dadaalka uu wado Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen taageerayaasha dowladda ayaa waxaa ka hadlay Sheekh Cali Wajiis oo amaan aan xad lahayn ku dhoobay madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
“Wiilkaas dhalinyarrada ah oo aqoonyahanka ah, oo active-ka geesiga ah, oo ballamada ku adag, oo wixii uu ballanqaada fulinaya… oo inuu isbedel sameeyo raba sanadka iyo barka u hray…. Maxamed C/llaahi Farmaajo nin duceysan waaye, ra’iisal wasaarihii awood buuxda ayuu siiyey, Ra’iisal wasaaruhuna nin baari ah waaye oo madaxweynihiisa aan ka tallaabneynin.. waa aragteen sida wiilkaa ugu baashaalayo..” ayaa ka mid ahaa ereyo kasoo yeeray Sheekh Cali Wajiis oo ka mida taageerayaasha madaxda Somalia ee ku xiran Madaxtooyada.
HOOS KA DAAWO