Madaxii xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay inuu yahay Madaxweynaha Galmudug, kadib shir ka dhacay xarunta Ahlu suna ee INJ, magaalada Dhuusamareeb.
Baarlamaan ay Ahlu soo dhistay shalay ayaa isugu tegay xarunta Inj, waxaana lagu dhawaaqay in madaxweynaha Galmudug loogu doortay Sheekh Maxamed Shaakir iyaodo xildhibaannada, tartanka doorashada iyo codeynta la sheegay inay lagu qabtay muddo 24 saacdood ah.
Isagoo ka hadlayey xafladii uu ku shaaciyey inuu yahay Madaxweynaha Galmudug ayuu sheegay Sheekh Maxamed Shaakir inuu ku faraxsan yahay xilka loo doortay, wuxuuna sheegay inuu la shaqeyn doono dowladda Federaalka, isla markaana diyaar u yahay in la saxo waxa ay ku khaldan yihiin.