Sheekh Maxamed Shaakir oo dhowaan Ahlu suna u dooratay madaxweynaha Galmudug ayaa qoraal u diray beesha caalamka, isagoo ka digay inay magaalada Dhuusamareeb qarka u saaran tahay dagaal mar waliba ka qarxa.
Qoraalka Sheekh Maxamed Shaakir oo Ingiriis ku qornaa ayaa lagu caddeeyay inay nasiib darro tahay in dowladda Federaalka ay qaado jidka isku dhaca ayna sii wado qorshaha ka horjeeda rabitaankooda, isagoo wixii qasaare ah ee dhimasho iyo burbur hanti ee ka yimaada halkaasi dusha u saaray inay qaadi doonto dowladda Federaalka.
“Waxaan idinku wargelinayaa inay aad suuragal u tahay inuu dagaal dhaco waqti kasta haddii dowladda Federaalka iska dhega-tirto Ahlu suna ayna ku socoto inay qabato Berri waxa ay ugu yeertay Doorasho..” ayaa lagu yiri qoraalka Sheekh Maxamed Shaakir u diray Beesha Caalamka.
HOOS KA AKHRISO
