Madaxweynaha Maamulka Gobollada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyay inaysan socon wax wadahadal ah isla markaana aysan aqoonsan doonin wixii ka soo baxa Cadaado.
Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ka hadlay in dowladda Federaalka ay diiday in la isku daro labada Baarlamaan oo baarlamaan loo dhan yahay la sameeyo, isla markana aan loo ogolaan in jagooyinka madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka midkood loo qoondeeyo.
Wuxuu ku eedeeyay xubno ka tirsan labada aqal oo lagu soo doortay Cadaado inay mas’uul ka ahaayeen fashilka waanwaantii loogu jiray maamul loo dhan yahay, dhinacoodana ay sameeyaan wixii tanaasul ah oo ay awoodeen.
AKHRISO QORAALKA