Sheekh Mukhtaar Roobow Cali iyo xubno la socda ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba oo si weyn loogu soo dhoweeyay.
Waxaa garoonka Diyaradaha Magaalada Baydhabo ka degtay Diyaarad gaar ah oo siday Sheekh Muqtaar Roobow iyo masuuliyiin la socotay oo ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Difaaca C/rashiid C/laahi Maxamed iyo saraakiil Ciidan, iyagoo ka yimid Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Warfaafinta Ugaas Xasan Cabdi, Maamulka Gobolka, kan degmada, Qeybaha kala duwan ee bulshada, Odayaasha dhaqanka iyo xubno kale ayaa ku soo dhoweeyay wafdiga Sheekh Mukhtaar Roobow.
Wasiirka Warfaafinta K/Galbeed ayaa sheegay in maalmaha soo socda Sheekh Roobow uu joogi doono magaalada Baydhabo, isagoo kulamo la yeelan doona Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wasiirka Amniga Xasan Xuseen (Eelaay) iyo xubno kale.
Sheekh Muqtaar Roobow ayaa ka mahad celiyay sidii loogu soo dhoweeyay Baydhabam wuxuuna halkaasi khudbad kooban oo kaftan ku jiro, isagoo sheegay inay ka tashan donaan xaaladda iyo arrimaha horyaalla.