Ku xigeenkii Amiirka Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa caawa ku hoyanaya magaalada Muqdisho, kadib muddo ka badan 6 sano ah oo uu ka baxay isagoo ka mida hoggaanka sare ee Alshabaab.
Ciidamada Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa la wareegay ammaanka Mukhtaar Roobow, iyadoo laga dejiyay qeybta ciidamada ee Afisyoone, isla markaana ciidamo fara badan ay galbiyeen.
Mukhtar Roobow ayaa la geeyay xarunta weyn ee Sirdoonka Soomaaliya magaalada Muqdisho oo ku taalla degmada Shibis, waxaana la sheegay in caawa uu la kulmi doono madaxda sare ee dalka.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku sugan Muqdisho oo arrintaasi wadahadal kala yeeshay madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, iyadoo waxa arrintiisa laga yeelayo ay go’aansan doonto dowladda Soomaaliya.