Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mida culimada Soomaalida ayaa farriin u diray Wasiiradda xilka sii heysa ee Haweenka iyo Xuquuqda Insaanka xukuumadda Soomaaliya Deeqa Yaasiin, isagoo sheegay inuu si shaqsi ah u ogyahay inay riixeyso Sharciga Denbiyada Galmada ee Guddoonka Baarlamaanka uu diiday in laga doodo.
Sheekha ayaa bogaadiyey sida ay sharcigaasi uga hor yimaadeen Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay guteen waajibaad Diini ah, wuxuuna si toos ah ula hadaly Wasiirada Haweenka xukuumadii dhacday ee xilka sii heysa Deeqa Yaasiin Xaaji.
“Wasiirada haweenka ee sharcigan keentay in muddo ahna waday oo aan si shaqsi ah u ogahay.. Waxaan leeyahay wallaaley joogso… Wadankan midka aad mooday maaha.. Haddii ay jiraan kuwo kusoo diray.. waa la iga diiday ku dheh..” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud oo madaxda sare ugu baaqay inay ka fiirsadaan dadka ay xilalka umadda dhiibayaan ee aan lahayn aqoonta diinta.
Dhinac kale wuxuu Sheekh Nuur Baaruud ugu baaqay inay towbad keento xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Federaalka (Marya Haaruun) oo soo jeedisay in sifada Muslimnimo laga saaro shuruudaha mas’uuliyiinta qabanaba xilalka dalka.
Wasiirad Deeqa ayaa si weyn loogu eedeeyay in muddo badan ku dhegan tahay Sharcigan oo ay taageero uga heshay Beesha Caalamka, waxayna hore uga shaqeyn jirtay ururrada haweenka NGO-yada ah oo arrimaha haweenka ku lug lahaa muddo dheer.
