Waxaa Gobolka Sh/Dhexe gaaray xubno uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo waanwaab ka dhex bilaabay beelo ku dagaalamaya degaano ka tirsan Gobolkaasi.
Wafdiga Sheekh Shariif waxaa ka mida Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Imaam Daahir Imaam Maxamuud, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada HirShabeelle, Guddoomiyaha Sh/ Dhexe iyo mas’uuliyiin kale.
Xubnahan oo shalay ku sugnaa degmada Warsheekh ayaa saaka gaaray degaanka Xaaji Cali, iyagoo kulamo la yeelanaya Beel ka mida labadii beelood ee dagaalka culus ku dhex marayey inta u dhaxeysa Cadale iyo Raage-Ceelle.
Dhinaca kale waxay Wafdiga Sheekh Shariif degmada Raage-Ceelle kula kulmeen odayaasha iyo waxgaradka Beesha kale, waxaana dagaallada dhex maray labadan beelood oo soo noqnoqday in muddo ah ku dhintay dad ka abdan 40 qof, iyadoo lagu gubay tuulooyin badan.
Labad beel ayaa maanta la dhex dhigay xabad joojin, iyadoo wixii ka hadda ka danbeeya ka geli doono waanwaan toos ah.