Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Saddex Ra’iisal wasaare ku xigeen hore ayaa war kasoo saaray xaaladda Maamulka K/Galbeed iyo dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Baydhaba.
Qoraal ay wadajir usoo saareen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’isul wasaareyaashii hore ee kala ah: Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Xasan Cali Kheyre ayey si weyn walaac uga muujiyeen shaqaaqadii ka dhacay Baydhabo.
“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan siyaasiyiinta iyo maamulka in ay wadahadalka iyo xalka fursad siiyaan, kuna qancaan in xalku yahay in Koofur Galbeed laga hirgeliyo doorasho la isla oggol yahay. Sidoo kale waxaan Dowladda Federaalka ka rajeyneynaa in ay qaadato kaalinteeda doorashooyinka labada heer dhowrtan muddo xilleedka sharciga ah si dalka looga badbaadiyo dib u dhac.” ayey qoraalkooda ku sheegeen siyaasiyiinta.
Afarta mas’uul ee hore ayaa nasiib darro ku tilmaamay in maanta dhacaan dagaal aan aheyn kuwii lagula jiray Al Shabaab, waxayna ugu baaqeen dhinacyada isku haya siyaasadda Koonfur Galbeed in wadahadal ku dhameeyaan khilaafkooda.
Waxaa qoraalkooda inay ka horjeedaan muddo kororsiga Madaxweynaha K/Galbeed, waxaana qoraalkiisa ka mid ahaa: ““DF waxaan ka rajeynayaa in ay qaadato Kaalinteeda doorashooyinka labada heer dhawrtaana mudo xileedka sharciga ah si dalka looga badbaadiyo dibu dhac”.
