Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Xukuumadda»Hiigsiga cusub»Sheekh Shariif: “Madaxda iga dambeysay haddii ay iga fiicnaadaan siyaasadda waan ka joogaa, haddii kale waan soo socdaa” SAWIRRO

    Sheekh Shariif: “Madaxda iga dambeysay haddii ay iga fiicnaadaan siyaasadda waan ka joogaa, haddii kale waan soo socdaa” SAWIRRO

    November 10, 2015Updated:November 10, 20154 Mins Read Hiigsiga cusub
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xaflad si heer sara ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynaayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed laguna daah furaayay Hay’adda Samadoon foundation ee uu Sheekh Shariif Aas aasay ayaa lagu qabtay dalka Turkiga.

    Xafladda oo ay soo qaban qaabiyeen Midowga  Ardayda Soomaaliyed ee wax kabarata dalka Turkiga ayaa waxay ay ka dhacday caasimadda dalkaasi Turkiga ee Ankara.

    Waxaa ka soo qayb galay xaflada madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh  Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi la socday oo uu ugu horeeyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Abdullaahi Maxamed Ali (Sanbaloolshe ) ıyo sidoo kale guddoomiyaha Hay’adda Samadoon Foundatıon Profosoor Warfaa.

    Sidoo kale waxaa ka soo qayb galay xafladda dhamaan shaqaalaha safaaradda, ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalooyinka kala duwan ee dalka Turkiga, jaaliyadda Soomaaliyed ee ku nool magaaladda Ankara iyo  marti sharaf kala duwan oo ay ka mid ahaayeen wafdi ka socdo xisbiga haya talada dalkaTurkiga   ee AKP ee uu hogaamiye madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

    Xafladda oo si qurux badan u dhacday ayaa waxaa qudbado ka jeediyay mas’uu liyiintii ka soo ayb gashay,  iyadoo sidoo kale xafladda laga soo jeediyay gabayo ar ardayda soo diyaariyeen oo lagu bogaadiyay mudane Sheekh Shariif iyo wixi uu ka soo qabtay dalka Soomaaliya iyo inuu wali u taaganyahay inuu sii wado wax u qabashada wadankiisa Soomaaliya.

    Ardaydi xafladda ka hadashay ayaa sheegay in ay taageersanyihiin madaxweynihii hore ugana mahad celihaayaan xiriirka wanaagsan ee Turkiga iyo Soomaaliya ka dhaxeeeyo oo uu sabab u ahaay sidoo kale wax barashada ay ka heleen dalka Turkigana ay abaal weyn uga haayaan Madaxweyne Sheekh Sharii f oo sabab u ahaay in ay helan wax barasha iyo nolol lacag la’aan ah.

    Waxaa sidoo kale xafladda ka hadlay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga  Abdullaahi Maxamed Ali (Sanbaloolshe ) oo sheegay in uu madaxweynaha wadanka soo hoggaamiyay xilli adag wadankana uu soo gaarsiiyay meel  lagu fani garo, isagoo u sheegay madaxweynahana in ay guul la taabankaro gaareen ardaydi uu wax barashada u soo diray oo ay qaybo ka mid ah qalin jebiyeen qeyb ka mid ahna ay sanadaha soo socdo qalin jebinaayaan.

    Ugu dambeyntii  waxaa xafladda ka hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka  soo jeediyay xafladda, waxaa uuna sheegay in uu aad iyo aad ugu faraxsanyahay inuu arko ardaydii uu wax barashada u soo diray oo guuleysatay intooda badam wax barashada u dhamaato inta dhimanna uu guul u rajeynaayo,  waxaa uu sidoo kale kula dardaarmay ardayda in ay wadankooda ku laabtaan marki ay wax barashada u dhamaato,

    ‘’ haddi ay wax barashada i diin dhamaato waxaan idin kula dardaarmaa inaad wadankiina ku laabataan oo aad ummaddiina u qidmeysaan, waa ay idin baahantahay waxaan maqlay warar sheegaayo in qaar idinka mid ah ay ku fikiraayaan inay marki ay shahaaddada qaataan ay horey u sii socdaan horay inaad aaddaan micno ma soo kor dhineyso,  waxaaad dhex geleysaan ummad 10 fac iyo in ka badan ay jaamacaddo soo dhigahaayeen, waad ku dhex dhumeysaan xitaa la qabsiga ayaa dhib idinku noqon doono mana ka soo dhex muuqan kareysiin, lakin wadankiini iyo dadkiini waa idin bahanyihiin wax baddan waa ka bedeli kareysaan hadaad  is kaashataan ‘’ ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sh. Axmed.

    Waxa uu sidoo kale madaxweynaha ardayda ku baraarujiyay in aysan caawinaad cidna ka sugin ee ay ayagu is caawiyaaan ayna  ka qeyb qaataan Hay’adda Samadoon Foundation oo ay noqdaan dadka hormuudka ka ah is caawinaadda iyo is garab qabashada.

    Su’aalihii ay ardaydu weydiiyeen mudane Sheekh Shariif  waxaa ka mid ah ahaa “Mudane madaxweyne siyaasadda iyo hoggaanka dalka dib ma ugu soo laabaneysaa”   “Waxa uu ku jawaabay raggi iga dambeeyay haddi ay iga fiicnaadaan waa iska joogaa lakin haddii ay amaani ka soo yeri weyso waan soo socdaa”.

    Ugu dambeyntii ayaa madaxweynaha waxaa lagu guddoon siiyay shahaadda sharaf taa oo looga mahad celihaayay wax barashada ay ardaydu ka heshay walaalaha Turkiga iyo xiriirka wanaagsan ee ay Turkigu la leeyihiin dalka Soomaaliya.

    unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14) unnamed (15) unnamed (16) unnamed (17) unnamed

     

    Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGalmudug maamul cusub u magacawday Degmada Balanballe (Liiska Magacyada)
    Next Article Guddoomiyaha Hiiraan: “Amar ayaan ka heystaa madaxda sare inaan xerada Daraaawiishta dhiso..” JAWAAB KULUL

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo