Madaxweynihii hore ee dalka ahna guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed talo u jeediyay madaxda waqtigoodu dhammaaday ee dowladda Federaalka, iasgoo sheegay inaan la aqbali karin ficiladda ay wadaan.
Sheekh Shariif ayaa taageeray go’aanka Golaha Amniga ee Q/Midoobay iyo kan Golaha Amniga ee Midowga Africa, iyo baaqyada isxigxiga ee saaxiibada Soomaaliya ay wadajir ugu cambaareeyen muddo kordhinta sharci darrada ee ay ku kaceen inyar oo ka mida Golaha shacabka.
“Waxaan markale ku celinayaa in Soomaaliya aysan qaadi karin xil kordhin oo ay tahay in heshiiskii September 2020 uu yahay dariiqa kaliya ee looga badbaadin karo Dalka inuu galo fowdo iyo amni darro caqabad ku ah xasilloonida Soomaaliya iyo tan gobolka” ayuu yiri Sheekh Shariif oo qoraal kasoo saaray go’aanada Beesha Caalamka.
Sheekh Shariif wuxuu si toos ah ula hadlay Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo yiri: “Waxaan ugu baaqaynaa madaxda xilligoodu dhamaadey iyo maamulada sida indha la’aanta ah u taageerey iyagoon la tashan dadka ay matalaan inay ka fiirsadaan tallaabooyinka qaras iska tuurnimada ah oo ay qaadayaan, waxaana ugu baaqeynaa inay kusoo laabtaan miiska wadahadalka oo ay tahay in doorasho la aado sida ugu dhaqsaha badan”
Wuxuu sheegay in dalka dowladnimadiisa ay jilicsan tahay, meel fogna laga keeny oo waqti, xoolo iyo nafba loo huray. “Marna lama aqbali doono ficillada aan mas’uuliyadda lahayn ee ay wadaan koox yar oo kursi jacayl uu madax maray” ayuuna qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay.
