Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xiisad ka dhex taagan beelaha Abgaal iyo Xawaadle oo kasoo cusboonatay Gobolka Sh/Dhexe.
Shirka jaraa’id waxaa ku wehliyay madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, wuxuuna Sheekh Shariif inaan loo baahneyn dagaal sokeeye oo beelo boqolaal sano deris iyo walaalo ahaa dhex mara xilligan.
Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dagaalladu kusoo noqnoqdeen Sh/Dhex, lana xaliyay xilligii Maxkamadaha, haddana ay kala hadleen Madaxeynaha Hirshabelele, una sheegay inuu wafdi u diray, tallaabdaaasna ay mudan tahay in lasoo dhoweyo.
“Waa inaan la aadin dagaal oo Nabada la xoojiyo ayaan xoogga saarneynaa. Dagaalka Alshabaab ayaa nagu furan.. haddaba rag rahay oo tabar heyso kaas aad oo wax ka qabo” ayuu yiri Sheekeh Shariif oo ku baaqay in beelaha wada dega (Abgaal yo Xawaadle) ay nabad wax ku xaliyaan.
Mar uu ka hadlay xaaladda ka taagan Hirshabeelle ayuu sheegay inay rabaan in fadhi la isugu yimaado oo xalka lagu raadiyo wadahadal, isaga iyo siyaasiyiin kalena ay ku jirana sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka taagan Hirshabeelle.