Madaxweynihii hore ee Soomaaliya isla markaana ah musharax u taagan tartanka Doorashada madaxweynaha 2016
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dib u dhigay imaanshihiisii magaalada Muqdisho kadib xaalado laga abuuray magaalada sida ay sheegeen dad ka mida taageerayaashiisa.
Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif u baajiyay socdaalkiisa abaabul weyn oo ka hortag ah oo ay sameeyeen taageerayaasha Xasan Sheekh kaasoo ku saabsanaa inay Beesha ay ka soo wada jeedaan labada madaxweyne abaabulaan si loo taageero musharaxnimada Xasan Sheekh.
Arrinta kale ee baaqashada Shariifka keentay ayaa ah in Wasaaradda Amniga ay fasax ku soo rogtay shirarka siyaasadeed ee lagu qabanayo hoteelada magaalada, iyadoo ciidamada NISA ay hor istaageen shirar ay yeelan lahaayeen odayaal dhaqameed iyo siyaasiyin ka horjeeday Xasan Sheekh.
Waxaa kaloo mugdi ku jiraa arrinta doorashada oo siyaasiyiin mug leh oo xilka kula tartami lahaa Xasan Sheekh ay dib u dhigteen inay ku dhawaaqaan musharaxnimadooda xilli la filayo in dib loo dhigo waqtiga doorashada.
Sheekh Shariif ayaan Muqdisho ku soo noqon tan iyo intii uu xilka ka tegay, waxaana magaalada Muqdisho lagu dilay wiil ay walaalo yihiin Cabdullaahi Sheekh Axmad (Ubba) Bishii Maarso 2015.
Wadani.com