Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, haddana hoggaamiya Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka hadaly xaaladda Coronavirus ee dalka ku faafaya, wuxuuna tallooyin kala duwan u soo jeediyey Dowladda Federaalka, Beesha Caalamka, Ganacsatada, Dhaqaatiirta iyo qeybaha Bulshada.
Sheekh Shariif ayaa usoo jeediyey dowladda federaalka inay u istaagto sidii cudurka looga hortegi lahaa, loona diyaarin lahaa qalabkii lagula tacaali lahaa iyo dawooyinkii loo baahnaa, isagoo sheegay inuu mugdi badan ka jiro sida loola tacaalayo Coronavirus.
Dowladda Federaalka ayuu ugu baaqay inay maamul Goboleedyada kala shaqeyso sidii looga hortegi lahaa cudurka, arrintaasina ay noqoto fursad lagu mideeyo dalka.
HOOS KA DAAWO