Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo baaq iyo farriin kasoo saaray weerarradii ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne oo dad badan lagu laayey.
Farriin muuqaal ah oo uu soo duubay Sheekh Shariif ayuu uga hadlay xaaladda dalka, isagoo sheegay in Amniga uu faraha ka baxayo, xaaladuna kasii dareyso, loona baahan yahay in si degdeg ah loo soo afjaro Doorashada.
“In xildhibaannad u diyaar garoobeysa doorasho la beegsado waa arrin aad iyo aad u xun.. Weerarka kale ee ka dhacay Afisyoone, waxay muujineysaa sida amniga u sii xumaanayo.. Hay’adaha Amniga iyo cidda mas’uuliyadda lahayd waa in Baaritaan lagu sameeyo oo la helo ciddii ku lug lahayd”. ayuu yiri Sheekh Shariif.
Wuxuu ka digay doorashada daba dheeraatay ee aan waqtiga lahayn, taasina ay dhibaatada sii dheereynayo. “Waa in markan aan dib looga dhicin waqtiga loo qabtay.. waxa ugu muhiimsan ee dalka yaalla waa in doorashada la qabto..”.
“Xaaladda amniga dalka waa ay sii xumaanaysaa, waxaa muuqda dayac ay sameeyeen hey’adaha Amniga, waxaan aad uga xumahay weeraradii ka dhacay Muqdisho iyo Baladweyne. Waxaan ku baaqayaa in la dedajiyo doorashada si xal loogu helo dhibaatooyinka taagan, loona helo hoggaan mas’uuliyadda qaata”.
