Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahaana guddoomiyihii Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay ka guuray xaruntiisii, degmada Wadajir ee agagaarka Garoonka Muqdisho.
Isagoo ay galbinayaan Gaadiid dagaal ayuu xalay u guuray degmada C/casiis, gaar ahaan agagaarka Mirinaayada oo xarun u ahayd Senator Muuse Suudi, dhowaanna uu degay madaxweynihii hore Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud.
Sheekh Shariif ayaa la filayay inuu dego degmooyinka Yaaqshiid ama Kaaraan, gaar ahaan agagaarka degaanka SIISII, laakiin waxaa la sheegay in farsamo ahaan ay suuragal noqon weyday.
Arrintan ayaa qeyb ka ah qorshe ay Musharixiintii Madaxweynaha uga guurayaan agagaarka garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kadib falkii muddo kororsiga ee uu ku dhaqaaqay Maxamed C/llaahi Farmaajo, taasoo soo xirantay Doorashadii la filayey inay dalka ka dhacdo.
Musharixiinta oo kasoo jeeda Beelaha Muqdisho ayaa wada dhaqdhaqaaq ciidan iyo diyaargarow ay ku wajahayaan muddo kororsiga Farmaajo oo 2 sano ku darsaday inuu xukunka iska sii joogo, waxaana xaafadaha Muqdisho laga dareemayaa xaalad ciidan.
