Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo hoggaaamiya Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay inaysan aqbali doonin dastuurka oo lagu tunto iyo awood lagu maquuniyo dowlad Goboleedyada dalka.
“Hadafkeenna ugu horeeya waa dhowrista dastuurka KMG ee dalka, in la helo doorasho xalaal ah oo cid gaar ah aan u daneyneynin, xasillooni, siyaasad loo dhanyahay iyo inaan ka hor imaanno cid kasta oo dastuurka ku xadgudubta, xoogna ku muquunisa maamulada xubnaha ka ah dowladda dhexe ee Soomaaliya..” ayuu yiri Sheekh Shariif oo maanta ka hadlayey xaflad lagu daah furay Madasha Xisbiyada Qaran.
Sheekh Shariif ayaa ka digay ciidamo nabadsugid ah oo laba dal oo kaliya loogu soo tababarro dowladda Federaalka, isla markaana mugdi lagu wado howlahooda, wuxuuna ku celcelisay inay aqbali doonin wixii hore loogu fashilay sida uu yiri.
“Waxaan rabnaa Soomaaliya oo nabad ah, is ogol, ilaalisa shuruucda dalka, talada wada leh, dhowrta xorriyatdda muwaadinka, una jihaysata dhabihii horumarka, kana xor ah kaligii talisnimo iyo dhammaan wixii dalkaan uu u burburay ee Soomaali kala geeyey..” ayuu yiri Sheekh Shariif.