Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Sheekh Shariif & Xasan Sheekh oo War kasoo saaray kulankii dhex maray Guddoonka labada Aqal (Akhriso)

    Sheekh Shariif & Xasan Sheekh oo War kasoo saaray kulankii dhex maray Guddoonka labada Aqal (Akhriso)

    June 8, 2020Updated:June 9, 20202 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo hoggaamiya Madasha Xisbiyada Qaran ayaa War kasoo saaray kulan ay shalay la yeesheen Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, kaasoo looga hadlay arrimaha doorashada dalka.

    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA KASOO BAXAY

    Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran (MXQ), mudane Sharif Sheikh Axmed iyo mudane Xasan Sheih Maxamud oo ka tirsan hoggaanka sare ee MXQ ayaa kulammo wadatashi ah waxay Axaddii (7 June 2020) la kala yeesheen labada guddoomiye ee labada aqalka ee baarlamaanka Soomaaliya, mudane Maxamed Mursal (Golaha Shacabka) iyo mudane Cabdi Xaashi (Aqalka Sare).

    Hadafka kulammadan wuxuu ahaa in madaxweynayaashii hore ee dalka iyo hoggaanka golayaasha sharci dajinta dalka, inay iska wareystaan xaaladda guud ee uu marayo dalka xilligan. Si gaar ah, waxay labada dhinac diiradda u saareen arrimaha la xiriira doorashooyinka la filayo dhawaan, maadaama lagu jiro dhammaadka xilheynta hey’adaha dastuuriga ah ee federaalka.

    Dood iyo gorfeyn qoto dheer kaddib, waxay guddoomiyayaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxda Madasha Xisbiyada Qaran isla garteen ahamiyadda ay leedahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla ummadda Soomaaliyeed xilligan, lana abuuro jawi deggan oo si kalsooni ku dheehan tahay loogu abbaari karo waajibaadka dastuuriga ah ee la xiriira doorashooyinka federaalka.

    Sidoo kale, waxay labada dhinac isla qaateen in la ballaariyo wadatashiga, lana tixgaliyo baaqyada kasoo yeeraya qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, si loo gaaro xal ku dhisan isqancin iyo wada-oggol.

    Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaranka wuxuu ka mahad celinayaa kulanka guddoonka baarlamaanka dalka, wuxuuna hoosta ka xarriiqayaa inuu diyaar u yahay inuu amuuraha masiiriga ah ee dalka kala xaajoodo cid walba oo kamid ah saamileyda siyaasadda dalka.

    Madasha Xisbiyada Qaran waxaa loo yagleelay ilaalinta dastuurka KMG ah ee dalka, midnimada gayiga Soomaaliyeed, iyo madax bannaanida siyaasadeed ee dalka. Tallaabo walba oo ay qaadeyso MXQ waxay noqoneysaa mid ku qotonta mabaadii’daas aasaasiga ah.

    Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAskarta Dowladda oo laba Wiil oo dhalinyarro ah ku dilay Muqdisho & Ceelasha (Wiil $1 loo dilay)
    Next Article Xukuumadda Somaliya oo Arrimaha Doorashada kala hadleysa Maamul Goboleedyada &…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo