Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday qofkii labaad ee Soomaali ah oo la xaqiijiyey inuu u dhintay cudurka Covid-19.
Sheekh C/llaahi Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaalida ee ku nool Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaaa soo ritay cudurka iyadoo la dhigay isbsitaalka Aga Khan ee magaalada Nairobi, halkaasoo uu ku geeriyooday shalay, sida ay sheegeen Guddiga Soomaalida.
Waa qofkii labaad ee Soomaali ah oo cudurka Coronavirus ugu geeriyooda magaalada Nairobi inta la ogyahay, waxaana dhowaan halkaasi ku geeriyooday in oday ah oo ganacsade ah, laguna magacaabi jiray Axmed Maxamed Sheekh.