Wadaadka xabsi Guriga ugu jira Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa farriintii ugu qayaxneyd oo aan hore loo arag u diray Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Wuxuu kula taliyey Farmaajo inuusan ku ceeboobin Soomaaliya oo sidii xilka loogu dhiibay ama ku joogo ama ku wareejiyo, isagoo xusuusiyey sidii loo soo dhoweeyay iyo inuusan xoog ku joogi karin talada.
“C/llaahi Yuusuf oo Axmaaro wata oo Xamar Dabaabaad ku so galay oo weliba qaar hawiye ah watay ku waano qaado… Haddii aadan xididdio ku lahayn ma joogi kartid.. Nimakani sii jeedka ayey ku roon yihiin, haddey soo jeestaan dad xun waaye. waxaan ma socon karaan.. Farmaajow dhegaha fur walaalow meesha haku ceeboobin” ayuu farriintiisa ku yiri Sheekh Xasan Daahir.
Wuxuu sheegay in dowladii Kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre ay rideen beelaha Majeerteen.. Ogaadeen. Hawiye, haddana ay iyagii ka horjeedaan Farmaajo, wuxuuna Farmaajo u sheegay inaysan waxba u tari doonin kuwa Hawiyaha ka tirsan ee la socda sida Cali Maxamed Geedi iyo Salaad Jeelle.
“Ciidankaad doonto keeno.. Markii Xamar xabbadda ka dhacday ma jirin ciidan weyn oo jiiray, waxay ahaayeen dhalinyaro ku hubeysan kaarabiin.. Balaayadan ha isku kicina si wanaagsan oo ragnimo leh uga tag…. haddii lag tufo ma joogi kartid..” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir oo Farmaajo ugu caqli celiyey inuu ku waano qaato C/llaahi Yuusuf iyo Maxamed Siyaad Barre.
Mar uu ka hadlay agaasimaha NISA ayuu farriin cajiib ah ku yiri: “Mid kale waa ku sheegi lahaa, wiilkaan ha iga loogin (Fahad) waxbuu iigu fadhiyaa waxaan sheegayaa Fahad. Axmed salebaan Dafle kamana ciidan badna, kamana tol badna”.
