Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Jubaland»Sheekh Xasan Daahir oo hanjabaad Culus iyo Digniin u diray Mareykanka, kadib dilkii C/qaadir Kumaandoos

    Sheekh Xasan Daahir oo hanjabaad Culus iyo Digniin u diray Mareykanka, kadib dilkii C/qaadir Kumaandoos

    August 27, 2020Updated:August 28, 20202 Mins Read Jubaland
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dowldda Soomaaliya sanado xabsi guri ugu jira ayaa hajnabaad culus u diray Mareykanku, kadib dilkii C/qaadir Cusmaan Yarow (Kumandoos) oo diyaaradaha Mareykanka duqeyn ku dilen degmada Saakow ee Koonfurta Soomaaliya.

    Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ay macariifo ahaayeen C/qaadir Kumandoos, kana mid ahaa ururkii Xisbul Islaam ayaa sheegay inaysan wax marmarsiiyo ah lahayn dilka uu Mareykanku la begsaday C/qaadir Kumaandoos oo xanuunsanaa,bukaan socod ahaa, kuna sugnaa gurigiisa, wax dagaal ahna aan kula jirin Mareykanka.

    “Haddii aadan kasoo garbixin godobtaas waxaan bixin doonaa jawaab adag, waxaana reebi doonaa raad qarniyo badan aad xusuusataan. Anigoo idiin xiran oo xabsi kujira ayaan idiin hanjabayaa..wuxuu noqon doona arrin qarniyo socda.. haddii aadan jawaab sax ah ka bixin idinkaa eedi doona.. inaad eedaan ayaan idinn tusin doonnaa… waa idin dilaa ma lihi laakiin wax taariikh reebi doona ayey noqoneysaa” ayuu si cad u yiri Sheekh Xasan Daahir oo muuqaal uu soo duubay lagu baahiyey baraha bulshada.

    Sheekh Xasan Daahir oo ka faaleynaya ninka uu ahaa C/qaadir Kumaandoos ayaa yiri: “Kumandoos wuxuu ahaa wiil Soomaaliyeed. Soomaali ayuu ka dhashay, Soomaali ayaa soo korsatay, Soomaali ayaa soo waxbartay, Soomaali ayuuna wax u taray, sida magaciisa ka muuqata wuxuu ka tirsanaa ciidamada Qalabka sida sidaas darteed dilkiisa waa godob Soomaali oo idil laga galay”.

    C/qaadir Cusmaan Yarow (C/Qaadir Kumandoos) wuxuu kamid ahaa saraakiishii Milateriga ee Xoogga dalka Soomaaliya, kadibna wuxuu ka mid noqay ururkii Al-itixaad, wuxuu qeyb ka ahaa dagaalkii ciidamada Itoobiya lagula galay Muqdisho (2007 – 2009), wuxuu xoghayaha difaaca ka ahaa ururkii Xizbul Islaam ee uu hogaaminayay Sheekh Xasan Daahir Aweys, markii danbena wuxuu ku biiray Ashabaab isagoo oday iyo hoggaamiye.

    Alshabaab C/qaadir Kumaandoos Sheekh Xasan Daahir Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleShariif Xasan: “Waxaan iskula joognaa in Afartii Sanaba ay Doorasho dhacdo, haddii kuwa jooga…”
    Next Article Golaha Wasiirada xilka sii haya oo ansixiyey Habraac la xiriira Hoggaanka Hubka & Rasaasta

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo