Sheekh Xasaan Xuseen Adam oo ka mida culimada degan dalka Kenya ee sida loogu yaqaan mowqifyadii adag e dhinac diinta ayaa dhowaan sheegay inuu fadhi gaara oo muxaadaro ka qaban doono gaalnimo uu ku xukmiyey Sheekh Cali Wajiis oo ka mida culimada taageersan dowladda Soomaaliya.
Sheekh Xasaan oo dhowaan War kale kasoo saaray arrintii dooda weyn dhalisay ee C/raxmaan C/shakuur Warsame ayuu sheegay in la aqbali karo warkiisii ugu danbeeyay iyo towbadii uu ku dhawaaqay, isagoo caddeeyay in hadalkaasi uu ahaa mid loo qaadan karo oo daweyneysa warkii hore uga soo yeeray ee gefkii Xadiiska Rasuulka NNKH.
Sheekh Xassaan ayaa hore u sheegay in Sheekh Cali Wajiis uu ka darran yahay C/raxmaan C/shakuur, isagoo ku eedeeyay inuu ku duray hadal kasoo yeeray oo ahaa ‘In kitaabka Qur’aanka aanu ahayn qaamuus loo sameeyay in dowlado lagu xukumo..”
Sheekh Cali Wajiis oo jawaab kale maanta soo saaray ayaa sheegay Sheekh Xassaan ku caan baxay gaaleysiinta umadda Soomaaliya, isla markaana uu yahay Muftiga kooxaha argagixisada Geeska Afrika, kana been sheegay cod laga duubay xilli uu shir ku sugnaa, wuxuuna sheegay inuu go’aansaday inuusan la doodin wax kasta oo uu ka faafiyana aanu ka jawaabin iyo inuu kula dhaqmo qaanuunkiisa, sida uu yiri oo uu ugurto miraha hadba uu beero.