Sheekha Azhar Axmed ADayib ayaa qaadacay kulan hore loo qorsheeyay inuu la yeesho madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence oo socdaal ku tegaya Bariga Dhexe.
Arrintan ayaa ka dambeysay go’aankii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku gaaray inuu magaalada Qudus u aqoonsado caasimadda Yuhuudda, taasoo keentay caro weyn dadka islaamka ah ka timid.
Telefishanka rasmiga ah ee dowladda Masar ayaa sheegay in safaaradda Mareykanka ee Qaahir ay codsi u gudbisay toddobaad ka hor Sheekh Azhar si loo qabanqaabiyo kulanka madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, iyadoo uu markaasi ogolaaday Sheekha, balse kadib go’aankii Trump ee Qudus ayuu diiday kulankaasi.
Sheekh weyn ee Azhar Alshariif ayaa sheegay inuusan la fariisan karin dad doonaya inay bedelaan taariikhda, taariikh been abuur ahna u sameynaya caddow dhulkii barakeysnaa ka boobaya dadkii lahaa.
“Sidee suuragal u tahay inaan la fariisto dad bixinaya wax aysan lahayn oo siinaya cid aan xaq u lahayn. Waxaa waajib ku ah madaxweynaha Mareykanka inuu si degdeg ah uga laabto go’aanka sharci darrada ah..” ayuu yiri Sheekha Azhar sida uu kasoo xigtay Telefishanka dowladda Masar.