Sheeko ku saabsan xildhibaano dhaqaale doon ahaa oo kulan la yeeshay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalmihii ugu danbeeyay ka taagneyd gudaha xildhibaanada.
Sheekadan ayaa ku bilaabatay kulan gaara oo xildhibaano ku dhow 10 ay ugu tageen madaxweyne Farmaajo, kuwaasoo kasoo wada jeeday beel qura, ujeedkooduna ahaa in lagu taageero dhaqaale ay ku tagaan degaanka ay kasoo jeedaan si ay dib u heshiisiin u dhex dhigaan beelo colaad ka dhaxeyso.
Wadahadal iyo is wareysi kadib ayay madaxweyne Farmaajo weydiisteen inuu howshaasi ku garab galo, taasoo keentay in madaxweynuhu ku bogaadiyo tallaabadaasi, isagoo u sheegay in dagaal beeleed aanu dhammaanin, siiba degaanada ay xildhibaanadaasi kasoo jeedaan.
Xildhibaanadii ayaa ku adkeystay in madaxweynaha uu dhaqaale ku taageero, laakiin waxay jawaabtii madaxweyne Farmaajo noqotay wax aysan fileyn markii su’aal uu weydiiyay oo ku saabsaneyd inaysan qaadan mushaarkoodii..? markaasoo ay waayeen wax ku jawaabeen oo aan ka ahayn “HAA”. “Waxaan ku dadaalnay in mushaarkiina aad heshaan bil waliba..” ayuuna hadalkii ku soo xiray, taasoo keentay in kulankii xildhibaanadii halkaas ku soo afjarmay iyagoo si halhaleel ay uga tegay Madaxtooyada.
Wadani.com