Shiinaha ayaa faahfaahin ka bixiyey halka ay kusoo dhaceen haraagii Gantaalka dalkaasi u diray hawada ee ‘Long March 5B.
Gantaalkan oo la xakameyn waayey markii ay ahayd inuu dib ugu soo laabto dhulka ayaa ugu danbeyn burburay markii uu soo galay hawada dunida, kuna dhacay Badweyenta India, sida ay sheegtay Wakaaladda Hawada u qaabilsan dalka Shiinaha.
“Gantaalka Long March 5B wuxuu ku dhacayaa meel lagu qiyaasay (72.47 ° E longitude iyo 2.65 ° N latitude), oo dhanka galbeed ka xigta ee Jasiiradaha Maldives, Badweynta Hindiya” ayaa lagu yiri qoraalka ay shaacisay Wakaaladda Hawada Qaranka ee Shiinaha oo lasoo dhigay Barta WeChat.
Gantaalka ayaa intiisa badan burburay markii uu dib ugu noqday jawiga dunida, ayay intaas raacisay Hay’adda hawada sare ee dalka Shiinaha.
Shiinaha ma faahfaahin in haraaga gantaalka uu ku dhacay dhul ama badweynta India ee u dhow Jasiiradaha Maldives, marka laga reebo inay tilmaantay galbeedka jasiiradaasi.
Maamulka Hawada ee dalka Shiinaha ayaa ku dhawaaqay in haraaga Gantaalka uu soo galay hawada dhulka ee badda Mediterranean-ka hor inta uusan u dul marin dalalka Bariga Dhexe oo uusan kusoo dhicin meel u dhow Jasiirada Maldives, koonfurta Hindiya. Dadka ku nool dalalka Israel iyo Cumaan ayaa baraha bulshada ku baahiyey inay arkeen qeybo ka mida Gantaalkan.
HALKAN KALA SOCO WIXII SOO KORDHA…
