Dowladda Shiinaha ayaa magaalada Muqdisho ka dejisay Diyaarad sida 200,000 oo Talaalka Covid-19 nooca Sinopharm oo looguu deeqday Soomaaliya.
Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Fowsiya Abiikar Nuur iyo masuuliyiin kale ayaa deeqda tallaalka Sinopharm kala wareegtay agabkaan safiirka dowladda China u fadhiya Soomaaliya Mr. Qin Jian.
Tallaalka Sinopharm Vaccine oo ay dowladda China soo saartay ayaa ka mida tallaalada loo soo saaray cudurka Covid-19, iyadoo ay qaateen dalal Afrika iyo Aasiya ku yaalla oo ay ugu horeeyeen Imaaraadka iyo Bahrain.
Talaallkan oo xaaladaha degdegga ah loo adeegsado ayaan warbixin badan laga helin Shiinaha, laakiin waxaa qaatay dalal badan oo tijaabo geliyay, iyadooo waxtarkeena lagu sheegay 56 ilaa 80%.



