Shil la yaab leh oo naadir ah ayaa maanta la dhacay Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho, kadib markii ay isku dhaceen laba Markab oo ku xirnaa Dekedda.
Shilka ayaa la sheegay inay sababtay Badda oo si aad ah u kacsaneyd, waxayna markii hore maraakiibtu goosteen xargaha intii aanay isku dhicin.
Xaaladda Badda kacsan maanta oo heer aad u sareeya gaartay ayaa dhinaca kale saameyn ku yeelatay howshii dekadda ka socotay.
Maraakiibta isku dhacday ayaan wax khasaare ah dhalin, waxaana lagu guuleystay in dib loogu soo xiro dekadda, Dekadda weyn ayaa la sheegay nay biyo fara badan oo Baddu keentay ay gudaha u soo galeen.
Wadani.com